Kuuriyada Waqooyi oo riday gantaal dheereeya oo ka mid ah kuwa la mamnuucay

Kuuriyada Woqooyi ayaa ridday gantaal qaaradaha isaga gudba, kaas oo ku duulay 86 daqiiqo – Duulimaadkii ugu dheeraa ee la diiwaan geliyo ka hor inta aanu ku dhicin biyaha bari, sida ay sheegeen Kuuriyada Koonfureed iyo Japan.

ICBM ayaa lagu riday xagal aad u sareysa, wuxuuna gaaray ilaa 7,000km (4,350 miles). Tani waxay ka dhigan tahay in uu gaari lahaa fogaan dheeraad ah haddii si toos ah loo duulin lahaa.

Tijaabada Khamiista ayaa jebisay xayiraadaha Qaramada Midoobay waxayna ku soo beegantay xilli uu sii xumaanayo xiriirka u dhexeeya labada Kuuriya iyadoo Pyongyang ay sii kordhisay hadallada daandaansiga leh ee ku wajahan Seoul.

Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale Arbacadii ka digtay in Woqooyiga ay isku diyaarinayso in ay ridaan ICBM-keeda iyadoo ay dhawdahay doorashada madaxtinimada Maraykanka ee dhici doonta 5ta November.

Wasaaradda difaaca ee Seoul ayaa sheegtay in tijaabadan looga dan lahaa in lagu hormariyo tijaabada hub fogaan dheer gaari karo”.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa ku sheegay warbixin naadir ah oo isla maalinkaas laga sii daayay warbaahinta dowladda in tijaabadan ay muujineyso ” rabitaankeenna ah in aan u jawaabno cadawgeenna” wuxuuna ku tilmaamay “tallaabo milateri oo habboon”.

“Waxaan xaqiijinayaa in [Kuuriyada Waqooyi] aysan waligeed beddeli doonin khadka ay ku xoojineyso ciidamadeeda nukliyeerka,” ayuu yiri Kim.

Mareykanka ayaa tijaabadan khamiista ku tilmaamay “xadgudub qaawan oo lagu sameeyay qaraaro badan oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ah”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker