Hoggaamiyaha cusub ee Xisbullah oo shaaciyay tallaabooyinka ay qaadayaan
Qoraalka sawirka,Naciim Qaasim ayaa dhawaan loo doortay inuu noqdo hoggaamiyaha cusub ee ururka Xisbullah
Khudbadiisii ugu horeysay ee Xoghayaha Guud ee Ururka Xisbullah ee Lubnaan, Naciim Qaasim waxa uu kaga hadlay in barnaamijkiisu yahay inuu raaco habkii uu u dhaqmi jiray Xoghayihii hore ururka Xasan Nasrallah, kaas oo lagu dilay weerar ay Israa’iil ka fulisay duleedka koonfureed ee Beirut 27-kii Sebtembar ee aynu ka soo gudubnay.
“Waan sii wadi doonnaa fulinta qorshaha dagaal ee Nasrallah uu dajiyay,” ayuu yiri.
Waxa kale oo uu intaasi ku daray “taageeridda Qasa waxay ahayd waajib na saaran”, isaga oo sii wata hadalkiisa ayuu yiri: “Waxa aanu ku guulaysanay in aanu galno safka hore ee taageerada Qasa”, waxa kaloo oo uu sheegay: “Israa’iil waxa ay rabtay in ay nagu furto dagaal isla markii uu dhacay weerarkii ka dib 7-dii October.
Naciim Qaasim hoggaamiyaha cusub ee Xisbullah ayaa qiray in dharbaaxo culus ay soo gaartay ururka kadib markii laga dilay dhowr hoggaamiya oo Nasrallah uu ka mid ahaa , hase-yeeshee wuxuu tilmaamay in arrintaas aaney saameyn ku yeellan doonin qorshaha Xisbullah ee ku aaddan dagaalka ay kula jiraan Israa’iil.