Diyaaradaha Israa’iil oo duqeymo xooggan ka gaystay qaybo ka mid ah Lubnaan
Wararka ka imaanaya dalka Lubnaan ayaa sheegaya in Israa’iil ay weerarro xooggan ku qaadday magaalada Baalbek ee waqooyi-bari ka xigta Beyruut iyo tuulooyinka ku xeeran ee dooxada Bekaa ee bariga Lubnaan, ka dib markii ciidammada Israa’iil ay soo saareen amar ay dadka uga sheegayaan in ay halkaa isaga baxaan.
Mas’uuliyiinta Gurmadka degdega ah ee Lubnaan ayaa ku dhawaaqay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay 101 duqeymo dhanka cirka ah Israa’iil ay ka geysatay deegaanno kala duwan oo ka tirsan Lubnaan, inta bandanna duqeymuhu ay ka dhaceen koonfurta, Nabatieh iyo Baalbek.
Ilo wareedyo laga helayo Lubnaan ayaa sheegay in mid ka mid ah weerarradan lala beegsaday agagaarka isbitaalka Dar Al-Amal ee magaalada Baalbek.
Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in 19 qof ay ku dhinteen weerarradaan oo ay ku jiraan carruur, 11 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo ay diyaaradaha Israa’iil ku qaadeen guryaha dad rayid ah oo ku yaalla magaalada Bednayel ee dooxada Bekaa, ee bariga Lubnaan.
Milatariga Israa’iil ayaa sheegaya in inta badan goobaha weerarradu ay ka dhaceen ay ku xoogganyihiin ururka Xisbullah.”
.