Mareykanka oo sharaxaad ka dalbaday Israel, ka dib xasuuqii Gaza
Dowladda Mareykanka ayaa Israel ugu yeertay inay sharaxaad ka bixiso dhacdadii ay dadka faraha badan ku dhinteen ee Talaadadii shalay ka dhacday Marinka Gaza.
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa garaacay dhisme shan dabaq ka koobnaa oo ku yaala deegaanka Beit Lahiya ee waqooyiga Marinka Gaza. Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaana xaqiijisay in duqaynta lagu dilay 93 qof, tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen. Wasaaradda ayaa sheegtay in 25 carruur ah ay ka mid yihiin dadka la dilay.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Matthew Miller ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid argagax leh.
“Waxaa jira warar sheegaya in laba daraasiin carruur ah lagu dilay dhacdadan. Shaki kuma jiro tiro ka mid ah dadka dhintay ayaa ah carruur ka soo carartay saamaynta dagaalkan in ka badan halka sano socdo.” Ayuu yiri Afhayeenka.
Afhayeenka oo Warbaahinta la hadlay ayaa Israel ugu yeeray inay sharaxaad ka bixiso sababta dadkaasi faraha badan ay ku dhinteen.
Waxa uu sheegay in inkastoo Israel ay hoos u dhigtay awoodda militari ee Ururka Xamaas, haddana ay taasi keentay in dadka rayidka ah ay noqdaan dhibaneyaasha dagaalkan.
Militariga Israel ayaa sheegay inay baarayaan dhimashada faraha badan ee dadka rayidka ah, balse maysan sheegin waxa keenay in uu bartilmaameed noqdo dhismaha ay dadka barakacayaasha gabaadsanayeen.
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa si joogta ah dadka rayidka ah ugu beegsada qaybaha Marinka Gaza oo dhan, iyadoo aan loo eegeyn inay degan yihiin Xarumaha Qaramada Midoobey amaba kaabeyaasha rayidka iyo xitaa waddooyinka ay adeegsanayaan, si uga baxsadaan goobaha colaadda.
Dhanka kae Matthew Miller, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa Israel ugu baaqay inay keento xal looga gudbi karo dagaalka, si iyagoo nool ay guryahooda dib ugu soo laabtaan la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza.
“Si loo hubiyo ammaanka dadka la haysteyaasha ah, Israel waa inay keentaa keliya hab aan ahayn sii wadidda iska horimaadka aan dhammaadka lahayn.” Ayuu yiri Miller.
Iyadoo wada hadalada xabad joojinta Gaza iyo heshiiska maxaabiis is dhaafsiga ee Israel iyo Xamaas ay dib uga bilowdeen dalkaasi Qatar, haddana Israel ayaa isku dayeysa inay kordhiso weerarada ay ku hayso shacabka aan hubeysneyn.
Mareykanka ayaa riixaya wada hadalada nabadda ee Magaalada Doha, si loo helo dariiq lagu gaari karo xabad joojin dhameystiran.