In ka badan 60-qof oo ku dhintay fatahaado ku dhuftay Spain

Ugu yaraan 51-qof ayaa lagu warramayaa inay ku dhinteen fatahaado ka dhashay roobab mahiigaan ah oo saacado badan ka da’ayay Koonfur bari dalka Spain.

Daadadka xooggan ayaa sababay burburka dhismayaal waddooyin iyo buundooyin, waxaana la arkayay gaadiid ay biyaha qaadeen.

Magaalada Chiva ayaa ka mid ahayd goobaha saameynta ugu weyn ay ku yeelatay fatahaadaha.

Maamulka magaalada ayaa sheegay inay direen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo sahminaya goobaha ay dadka ku go’doonsanyihiin.

Boqorka dalka Spain Felipe VI oo qoraal ku daabacay boggiisa ‘X’ ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay fatahaadda, wuxuuna tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dhibanayaasha.

Wali waxaa socota samatabixinta iyo baadi goobka loogu jiro dadka fatahaadaha ay saameeyeen.

Warbaahinta dalkaas ayaana sheegeysa in marba marka ka danbeysa ay kordhayso qasaaraha ka dhashay fatahaadaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker