Dadka reer Qasa oo markii horaba xaalku ku cakirnaa oo haddana wajahaya dhibaato kale oo horleh

Dadweynaha ku nool Qasa oo dhibaato ba’an iyo qalalaaso bani’aadanimo wajahaya ayaa haddana waxaa dhibkii hore ugu darsantay oo ka baqayaan in ay xaaladu sii adkaato kadib mamnuuciddii Israa’iil ay ku sameysay hay’adda ugu weyn ee Qaramada Midoobay ee halka ka howlgasha.

“Unrwa waxay naga caawisaa: nolosheena, cunto, cabitaan, iyo daryeel caafimaad. Marka ay xiranto, ma jiri doonaan arrimahaan. Haddii wiilkaygu xanuunsado, xaggee ayaan tagi doonaa?” ayay tiri Yasmine el-Ashry oo ku sugan Khan Younis.

“Mamnuucidda Unrwa waa dagaal kale oo ka dhan ah dadka Falastiiniyiinta,” ayuu yiri qaxooti ka diiwaangashan hay’addan oo lagu magacaabo Saciid Awida.

“Waxay rabaan in ay baabi’iyaan dadka Falastiiniyiinta ah, iyaga oo noo diidaya adeegyada bani’aadanimo.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Tallaabadaan oo baarlamaanka Israa’iil meel-mariyay ayaa waxaa ka falceliyay dalal badan oo dunida ka tirsan kuwaas oo ku tilmaamay tallaabo xaaladda uga sii dari karta

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker