Kooxo hubeysan oo maanta Muqdisho ku dilay sadax ruux oo ganacsato ahaa

Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa maanta afar ruux oo dhalinyaro ganacsato aheyd ku toogtay goobahooda ganacsi oo ku yaala degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Afarta ruux ee la toogtay ayaa sadax ka mid ah la sheegay iney geeriyoodeen, halka qofka afaraadna isagoo dhaawac culus qaba loola cararay goobaha Caafimaadka.

Dilka dhalinyaradaan ganacsatada aheyd loo geystay ayaa la sheegay inuu la xariiro, kadib markii dukaamadooda ganacsi ay ku xireen Kaamirooyinka CCTV, taasoo ay amartay dowladda in lagu xiro goobaha ganacsiga Muqdisho, waxaana arintaasi si weyn u diidan kooxda Al-shabaab.

Ciidamo isugu jira Booliis iyo Nabadsugid ayaa gaaray goobaha ganacsi ee lagu dhex dilay sadaxda ruux ee ganacsatada ahaa, waxana la tilmaamay in ciidamada ay ku guuldareysteen soo qabashada kooxda dilka geysatay.

 

Magaalada Muqdisho waxaa maalmahii lasoo dhaafay si weyn ugu soo kordhaayay beegsiga lagu haayo goobaha ganacsiga oo ay ku xiran yihiin Kaamirooyinka dowladdu amartay ee CCTV, waxaana xusid mudan in Kaamirooyinka dartood ganacsatada loo dilay iney dhaafayaan tobaneeyo ruux oo dhamaantood u badana rag dhalinyaro ahaa.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker