Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo fadhi ka yeelanaya xaaladda Bariga Dhexe

 

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo isniin ah yeelanaya fadhi ay kaga doodi doonaan weerarkii ay Israa’iil ku qaaday Iran, kaas oo Israa’iil ku sheegtay inay kaga aargudatay weerarkii gantaallada ee Iran kowdii bishan ku qaaday Israa’iil.

 

Fadhiga waxaa codsaday dalalka Algeria, China iyo Russia, sida laga soo xigtay Switzerland oo haya xilka madaxtinimada ee golaha Qaramada Midoobay.

 

“Falalka maamulka Israa’iil waxa ay khatar weyn ku yihiin nabadda iyo ammaanka caalamiga ah, waxayna sii khalkhal gelinayaan xasilloonida gobolka oo markii horeba jilicsanaa,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Cabbaas Araqchi oo Sabtidii warqad u diray golaha ammaanka.

 

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in daraasiin diyaarado dagaal ah ay dhammeeyeen saddex mowjadood oo duqeymo ah oo ay ku qaadeen xarumaha lagu sameeyo gantaallada iyo goobaha kale ee u dhow Tehran iyo galbeedka Iran ka hor waaberigii Sabtidii.

 

Safiirka Israa’iil ee Qaramada Midoobay Danny Danon ayaa diiday cabashada Iran ee Qaramada Midoobay, isagoo bayaan uu soo saaray Axaddii ku sheegay in Tehran “ay isku dayayso inay nagaga soo horjeedo masraxa dublamaasiyadda iyada oo sheegasho aan macquul ahayn oo ah in Israa’iil ay ku xad gudubtay sharciga caalamiga ah.”

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker