“Dhakhtar ku kaadiyay Meesha gacmaha lagu dhaqdo ee cisbitaalka”

Laba asxaabtiisa ay wada shaqeeyaan ayaa sheegay inay arkeen Dr Graham Holmes oo ku kaadinaya saxanka

 

Dhaqtar lagu helay inuu ku kaadiyay Meesha gacmaha lagu dhacqdo ee qolka la-talinta kaas oo ku guuldareystay inuu u hoggaansamo xeerarka xayiraadaha ayaa shaqada laga joojiyay.

 

Graham Holmes wuxuu kau soo shaqeeyay sidii dhaqtar sare cisbitaalka Hampshire, Dorset, Greater ee Manchester iyo Wirral.

 

Dhageysiga dacwaddan ayaa sidoo kale lagu ogaaday inuu u sheegay haweeney inay u baahan tahay CT scan ” si loo arko inay maskax leedahay”, ama uu ku yiri erayo la macno ah.

 

Adeegga Maxkamadda Dhakhaatiirta Caafimaadka (MPTS) ayaa ogaaday inaysan jirin “wax caddayn ah oo qirasho ah, ama raalligelin ah, oo lagu xaqiijiyey in uu su xun u dhaqmay”.

 

Maxkamaddu waxay ogaatay in Dr Holmes uu kasoo shaqeeyay isbitaallo kala duwan intii u dhaxeysay Agoosto 2019 iyo Maarso 2021.

 

Isbitaalka Gosport War Memorial Hospital, Hampshire, bishii Agoosto 2019, qof ay wada shaqeynayeen ayaa sheegtay inay maqashay Dr Holmes oo u sheegaya haweeneyda inay u baahan tahay iskaanka – laakiin bukaanku ma maqal.

 

Dr Holmes wuxuu u sheegay maamulka in uusan xasuusan karin haddii uu arinkaasi yiri.

 

Saaxiibkiis oo isla cisbitaalka ku sugnaa ayaa sheegay in ay daaqadda gudaha ka daawadeen isaga oo ku kaadinaya saxanka gacma dhaqa xilli uu koob biyo ah ku shubay.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker