Nin ku dhashay Faransiiska, balse mustaqbal ayuu ka raadinayaa Afrika

 

Menka Gomis waxa uu ku dhashay dalka Faransiiska balse waxa uu go’aansaday in mustaqbalkiisu uu yaal Senegal, halkaas oo ay waalidkii ku dhasheen.

39-jirkan ayaa qeyb ka ah tira sii kordheysa ee Faransiiska Afrikaanka ah ee ka tagaya Faransiiska, isagoo ku eedeeyay kororka cunsuriyadda, takoorka iyo xag jirnimo .

BBC Africa Eye ayaa baaritaan ku sameysay dhacdadan – oo loogu yeero “qax-bax aamusan” – si ay u ogaato sababta dadka sida Mr Gomis ay uga niyad jabeen nolosha Faransiiska.

Parisian-ku waxay samaysteen shirkad yar oo socdaalka ah oo bixisa xirmooyin, gaar ahaan Afrika, ujeeddadeeduna wax ay tahay kuwa doonaya inay dib ula xiriiraan xididdada awoowayaashood, waxayna hadda xafiis ku leeyihiin Senegal.

“Waxaan ku dhashay Faransiiska, waxaan ku koray Faransiiska, waxaana ognahay xaqiiqooyin gaar ah, waxaa jiray cunsurinimo badan, markii aan ahaa lix jir ahaa waxaa la iigu yeeri jiray N-word iskuulka. Maalin kasta,” Mr Gomis, oo aadi jiray Iskuul ku yaal koonfurta magaalada dekedda leh ee Marseille, ayaa u sidaasi sheegay BBC-da.

“Waxaa laga yaabaa inaan ahay Faransiis, laakiin sidoo kale waxa aan ka imid meelo kale.”

BBC

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker