Hezbollah oo gantaal ku garaacday saldhig ciidan sirdoon oo ku yaalla Tel Avi

Kooxda Hezbollah ee Lubnaan ayaa sheegtay inay gantaal ku garaacday saldhig ciidan sirdoon oo ku yaalla Tel Aviv. Ciidamada Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in laba gantaal oo masaafe dheer ah si guul leh loo soo ridey, Balse aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka.

Sidoo kale waxaa gambaleela digniinta laga wada maqlay magaalooyin ay ka mid yihiin Haifa iyo Nasaret. Arbacadii, ciidamada Israa’iil ayaa soo saaray amar degdeg ah oo ku saabsan in dadka ku nool magaalada Tyre ee koonfurta Lubnaan ay ka baxaan si aysan ugu wax yeeloobin weerarada cirka ee ka dhan ah bartilmaameedyada Xisbullah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker