Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Safiirka Dalka Denmark Ambassador Steen Sonne Andersen.

Waxaana kulanka lagu lafo-guray xoojinta xidhiidhka dawladda Denmark iyo Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kale waxa laga wada hadlay mashaariicda horumarinta bulshada ee ay iska kaashadaan labada dhinac iyo arrimaha doorashooyinka Somaliland ee kaabiga saaran, nabadgelyada iyo amniga mandaqadda Geeska Afrika.

Waxaana Madaxweynaha Qaranka Somaliland kulanka ku wehelinayey Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Ciise Keyd Maxamuud.
Dhinaca Weftigana waxa safiirka ku wehelinaayey Madaxa xafiiska Denmark ee Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Mathias Kjaer.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker