Netanyahu oo weerarka lagu qaaday hoygiisa ku tilmaamay khalad weyn
Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel ayaa sheegay in weerarka ay Xisbullah Sabtidii ku soo qaadday hoygiisa uu ahaa isku day dil, oo la doonayay in lagu dilo isaga iyo xaaskiisa Sara.
Raysal Wasaaraha ayaa isku daygan dil ee ka dhanka ah isaga iyo xaaskiisa ku tilmaamay khalad weyn.
Xisbullah ayaa la sheegay in diyaarad drone ah ay ku weerartay hoyga Raysal Wasaaruhu uu fasaxa ku qaato ee ku yaala Magaalada Caesarea (Qaysaria).
Afhayeenkiisa ayaa goor sii horreysay sheegay in diyaarad aan duuliye lahayn oo laga soo duuliyay dalka Lubnaan ay ku dhacday guriga Raysal Wasaaraha, isla-markaana ay isaga iyo xaaskiisuba ka maqnaayeen gurigaasi.
“Wakiilada Iran ee isku dayay inay aniga iyo xaaskayga na dilaan, waxay sameeyeen khalad weyn.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Netanyahu oo xalay ka hadlay weerarka lagu beegsaday hoygiisa.
Raysal Wasaare Netanyahu ayaa ku hanjabay in weerarkan aanu ka joojin doonin dagaalka uu sheegay inay kula jiraan kooxaha ay Iran bari-taarto.
Netanyahu ayaa sheegaya in Israel ay sii wadi doonto dagaalkan, illaa ay ka ciribtiraan ururada hubeysan ee ka jira gobolka, cid kasta oo waxyeelo u gaysata Israeliyiintana ay bixin doonto qiimo culus.
“Waan sii wadi doonnaa ciribtirka argagixisada iyo kuwa soo diraya. Waxaan soo celin doonnaa dadka na looga haysto Gaza.” Ayuu yiri Netanyahu oo intaasi ku daray in Israeliyiintii ku barakacday xiisadda ka jirta xuduudda ay la wadaagaan Lubnaan ay iyana dib ugu soo celin doonaan guryahooda.
Militariga Israel ayaa sheegay inay baarayaan sababta aanu nidaamka difaaca hawada ee Israel uga hortegin diyaaraddaasi, inkastoo ay militarigu sheegeen in saddex diyaaradood lagu soo weeraray gudaha Israel, laba ka mid ahna ay soo rideen.
Dhawaqa seeriga digniinaha ayaan laga maqlin Magaalada Caesarea, ka hor inta aysan diyaaraddu ku qarxin hoyga Netanyahu.
Muuqaal la isku la wadaagay barraha bulshada ayaa muujinaya diyaarad helicopter ah oo hawada ku jirta, iskuna dayeysa inay soo riddo diyaaradda aan duuliyaha lahayn oo ku sii socota dhanka waqooyi.
Codka digniinaha ayaase mar dambe laga maqlay xaafadda Glilot ee waqooyiga magaalada ugu weyn Israel ee Tel Aviv, oo ay ku yaallaan Saldhigga Sirdoonka Militariga iyo Xarunta Hay’adda Sirdoonka Israel ee Mossad.
Xisbullah ayaan weli si rasmi ah u sheegan masuuliyadda weerarka, ha yeeshee dhammaan calaamadaha ayaa muujinaya in diyaaradda ay ka soo duushay dhinaca koonfurta Lubnaan oo Xisbullah ay maamusho.
Xisbullah ayaa Jimcihii ku dhawaaqday dagaal weji cusub oo ka dhan ah Israel, si loogu khasbo in ay joojiso xasuuqa ay ka waddo Gaza iyo Lubnaan.
Weerarkan ayaa ka tarjumaya in Xisbullah ay garaaci karto bugcad kasta oo Israel ah, taas oo fasiraad ka bixineysa in awoodda Xisbullah ay tahay mid aad u sarreyso.