Dawladda Rwanda Oo Laashay 1000 Xeer Oo Gumaystihii Laga Dhaxay.
Kadib 3 bilood oo dood Adagi dhexmartay Baarlamaanka Dawladda Rwanda ayaa ansixiyay sharci Gabi ahaanba meesha ka saaraya xeerar laga dhaxlay Gumatayaashii Jarmalka iyo Biljamka oo ah xeerar ilaa maanta lagaga dhaqmo dalkiisi.
Xeerarkan la baabiiyay ayay Tiradooodu dhantahay 1000 Xeer oo la dajiyay intii u dhaxaysay 1900 ilaa 1962kii oo dalkaasi ku jiray gacanta gumaystayaasha.
Meelaha ay sharciyadan gumaysigu saameeyeen ee hada kadib aan lagaga dhaqmi doonin ayaa waxa ka mid baararka khariga lagu cabo oo markii hore ay dadka aalkolada cabaa lacagta ku bixin jireen miiska baarka, halkii ay miiska ay wax ku cabeen kaga bixin lahaayeen.
Xeerarkan la buriyay ayaa sidoo kale saamayn doona Kaniisada oo markii hore gumaystuhu uu u meel mariyay xeer u ogolaandoona inay dhul qabsadaan inta uu doono ha leekaadee, xeerkaas oo ilaa hada ka shaqeeya dalkaasi.
Wasiirka Caddaaladda ee dalkaas Johnston Busingye, ayaa sheegay in ugu dambayn ay talaabdani la micno tahay in Rwanda hadda kadib si buuxda loogu maamuli doono shuruucda ay dadkeedu dajisteen.
“Shuruucda Gumeysiga waxaa loo sameeyay in ay u adeegaan danahii gumaystaha, waxa la baray laguna dhaqay dadkayaga si uu gumaystuhu u gaadho Tallaabadani waxay ugu dambeyntii sheegaysaa in Rwanda laga dhaqan galiyay ku dhaqanka shuruuc ay dadkeedu samaysteen”ayuu yidhi wasiirku.
Shuruucdan la buriyay ee gumaystaha laga dhaxlay ayaa waxa ay dalkaas ka dhaqan galeen intii u dhaxaysay 1885 ilaa 1962 oo ah markii Ruwanda ay xornimada ka qaadatay Belgium.
By Suxufi Sinyoore Hargaysa Oodwayne Office