Wasaradda Arimaha Gudaha Somaliland oo shacabka fariin u dirtay

Waxaa maanta inoo bilaamay Ololaha Doorashooyinka Madaxtooyada iyo ururada Siyaasadda,taasoo ay shaaciyeen Guddida Doorashooyinka Qaranka. Hadaba waxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL oo masuul ka ah guud ahaan amniga gudaha Dalka ay faraysaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland in ay ilaaliyaan nabadgelyada, si buuxdana ula shaqeeyaan Ciidamada sugaya amnig, gaar ahaana Ciidamada Booliska oo ah kuwa haya shaqada ugu muhiimsan waqtigan ololaha.
Waxay Wasaaraddu ku adkaynaysaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, madaxda asxaabta in ay la shaqeeyaan Ciidamada Booliska oo ah kuwo markasta u taagan ilaalinta Nabadgalyada, waxaa waajib ah in shacabka Jamhuuriyadda Somaliland fiiro dheer u yeeshaan shirqoolada cadawga Somaliland maleegayaan ee ka dhanka ah Qarannimada jamhuuriyadda Somaliland, Dumuqraadiyada iyo jiritaankoodaba.
Wixii khatar amni ah ee aad aragto la soo wadaag Muwaadin Xafiiska Heeganka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL: 9119.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker