Madaxweynaha Somaliland oo Go’aamo Ka Soo Saaray Adeegsiga Hantida Dadwaynaha iyo Warbaahinta Xiliga Doorashada

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa mamnuucay in hantida dadwayanaha, shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada loo adeegsado ollolaha doorashooyinka, sidookale, warbaahinta xukuumada ayuu ku amray in ay si siman u tabiyo wararka axsaabta kala duwan.

“Waxa aan farayaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka in xisbigyada qaranka iyo ururada siyaasaddu u sinnaadaan war-baahinta dowladda ee kala duwan iyo baahinta wararka muddada ololaha doorashooyinka innagu soo foolka leh” ayaa lagu yidhi wareegto kasoo baxday madaxtooyada.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu faray wasiirka arrimaha guddaha in loo sinnaado isticmaalka fagaarayaasha ollolaha muddada ollolaha doorashooyinka, isla markaana la sugo ammaanka shacabka iyo masuuliyiinta axsaabta iyo ururrada siyaasadda ee ku sugan fagaarayaasha ollolaha.

“Waxa reebban in hantida danta guud ee qaranka nooc kasta oo ay tahay in loo adeegsado ollolaha doorashooyinka innagu soo foolka leh. Sidoo kale, waxa reebban in shaqaalaha dowladda iyo ciidammada kala duwan ee qalabka-sidaa ay ku lug-yeeshaan, kana qayb-galaan ollolaha” ayaa lagu yidhi wareegtada.

Madaxweynuhu waxa uu faray hay’addaha kala duwan in ay gacan ku siiyaan komishanka doorashooyinka gudashada waajibaadkooda oo ah qabsoomidda doorashooyinka madaxtooyada iyo asxaabta siyaasada.

Amaradan ayaa imanaya iyada oo uu olloha doorashooyinka madaxtooyada iyo asxaabta siyaasada Somaliland maanta si rasmi ah uga bilaabmayo dhamaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker