In ka badan 50 gantaal oo lagu garaacay gudaha Israa’iil

Milatariga Israa’iil ayaa waxay sheegeen in 55 gantaal oo laga soo riday Lubnaan lagu dhuftay magaalada Xayfa iyo magaalooyin kale oo ku yaalla wuqooyiga Israa’iil.

Sida ay sheegeen ciidamada IDF qaarkood ayaa waxaa qabtay nidmaamka difaaca hawada ee Iron Dome ka.

Adeegga caafimaadka ee Israa’iil ee Megan Adom ayaa waxa uu sheegay in nin 29 jir ah uu dhaawac ka soo gaaray firirla gantaalada, halka qof kalana uu dhaawacmay kadib markii gantaal ku habsaday hoygiisa.

Dhanka kale sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP ururka Xisbullah ayaa waxa uu sheegay in uu gantaalo ku garaacay xero milatari oo ku taalla Xeyfa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker