Xamaas oo xaqiijisay Geerida Sinwar.

 

Ururka Xoriyad u dagaalanka Falastiin ee Xamaas ayaa goor dhaweyd si rasmi ah u xaqiijiyey in Yahya Sinwar lagu dilay dagaal ka dhacay magaalada Rafah ee koonfurta Gaza.

Khalil al-Hayya oo ah ku xigeenka xafiiska siyaasada ee Xamaas oo maanta khudbad jeediyey ayaa sheegay in Yahya Sinwar uu ku shahiiday dagaalka uu kula jiray gumeysiga Israel.

Khalil al-Hayya ayaa sheegay in Xamaas ay sii wadi doonaan halgankooda xoreynta dhulka Falastiin, isagoo intaa ku daray in dilka Sinwar aanu hakin doonin dagaalkooda, balse ay sii xoojin doonaan.

Dhinaca kale wuxu ku hanjabay hogaamiyaha u hadlay Xamaas in aan lasii deyn doonin maxabiista laga hayo Israel inta uu socdo dagaalka Gaza, isagoo meesha ka saaray wax gorgortan ah inay arrintaasi ka galayaan.

Israa’iiliyinta ayaa xaqiijiyay Khamiistii shalay in hoggaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar lagu dilay Gaza, kaddib markii dagaal dhex maray isaga yo ciidammada Israa’iil ee ku sugan Rafah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker