Waa kuma Yaxya Sinwar?

Yaxye Ibraahim Sinwaar, wuxuu dhammaadkii bishan october oo kale sanadkii 1962-kii ku dhashay xeraha qaxootiga ee Khan yoonis ee Qasa.halkaas oo yaraantiisi ku soo barbaaray.

Sinwar waxa uu waxbarashadiisii ku qaatay iskoolo ku yaalay khan Yoonis ilaa uu ka dhamaystay waxbarashadiisii sare, ka dibna waxa uu ku biiray jaamacada Islaamiga ah ee Gaza isagoo heerka kowaad e jaamacada ku qaatay Luuqada carabiga.

Waa 62 sano jir , cimrigiisii dhalinyarinada wax ka badan 22snao ku soo qaatay xabsi ku yaalla Israa’iil

Sannadkii 1982-kii, ayaa markisii kowaad la xiray isagoo eedo loo tiryey sanadkii 1988-dii ayaa mar kale israa’iil ay xireen isagoo markii danbe xabsiga laga sii daayey sanadkii 2011kii.

Sii dayntiisa ayaa ku timid is dhaafsi maxaabiiseed oo dhexmaray Xamaas iyo Isreaal, ka dib markii Israa’iil ay kun qof oo maxaabiis reer falastiina oo Yaxye Sinwar ka mdiaa ay ku baddelatay Gilad Shalit oo ahaa askari israa’iili ah oo ay gacanta ku hayeen Xamaas.

Waa mid ka mid ah xubnihii ugu horreeyay ee Xamaas, wuxuuna ka qayb qaatay samaynta hay’addeeda amniga ee loo yaqaanno (Majd).

Bishii Sebtembar 2015, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Yahya Sinwar ku dartay liiska madow ee “argagixisada caalamiga ah.”

Heerka siyaasadeed ee Xamaas, ayaa intaa ka dib sii kordhaysay sanadkii 2017, Sinwar waxaa loo doortay madaxa xafiiska siyaasadda dhaqdhaqaaqa ee Marinka Gaza.

Sarkaal hore oo Israa’iili ah oo ka mida dadka aadka u yaqaana Sinwar, laguna magacaabo Shin Bet Micha Kobi, intii xabsiga Israa’iil ku jiray sinwarna waraystay 150 saacadood dabaqaayadii sideetamayeedii iyo horaanta sagaashameeyadii ayaa ku tilmamay nin adag oo qalafsan sida laga soo xigtay majalada Washington Post.

Waxa loo arkayey inuu ahaa nin saamyn weyn ku leh kooxda, markii Tehran lagu dilay hoggamiyihii siyaasadda ee Kooxda Xamaas Ismaaciil Haniyah, kooxda ayaa Yaxye Sinwar u magacday inuu noqdo hoggaamiyahadooda guud.

Wuxuu waqti dheer liiska hore kaga jiray madaxda Xamas ee hay’adaha ammaanka Israa’iil ay sida weyn u doon doonayeen isagoo dhowr jeer ka badbaaaday isku dayo lagu qaarajin lahaa.

Israa’iil waxay ku tilmaameen Yaxye Sinwar inuu ahaa Maskaxdii abaabushay fulisayna weerarkii 7-dii October ee snadkii 2023 kooxdu ku qaday gudaha Israa’iil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker