senetka Kenya oo maanta u codeynaya xil ka qaadista madaxweyne ku xiigeenka dalka

Aqalka sare ee dalka Kenya ayaa lagu wadaa inuu maanta u codeeyo madaxweyne ku xiigeenka dalka, Rigathi Gachagua.

Senetka ayaa go’aanka gaari doona gelinka dambe ee maanta. Tani ayaa daba socota codeyntii todobaadkii hore ee xildhibaanada dalka, kuwaas oo u codeeyay in xilka laga qaado madaxweyne ku xiigeenka.

Gachagua ayaa waxaa loo haystaa 11 dacwadood, oo ay kamid tahay eedo musuq maasuq, curyaaminta dowladda iyo inuu ku dhaqmayo siyaasad isir ku saleysan oo uu ku wiiqayo dowladda.

Gachagua ayaa diiday in uu wax khalad ah sameeyay kadib markii dhawaan ay is khilaafeen madaxweyne William Ruto.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa lagu eedeeyay in uu hanti ku helay qaab musuqmaasuq ah, balse khudbad dheer oo uu dhawaan jeediyay ayu uku sheegay in hantidaan oo u badan guryo iyo dhulal uu lahaa walaalkii oo geeriyooday.

Dhawr xildhibaan oo xulafo la ah Gachagua ayay booliisku u yeereen bishii hore, iyaga oo lagu eedeeyay inay maalgaliyeen mudaharaadyada, inkastoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin.

Siyaasigaan 59-jirka ah, oo loo yaqaanno “Riggy G”, ayaa eedeymaha ka dhanka ah ku tilmaamay kuwo aad looga caroodo iyo “dacaayad qaawan.

Doodda senetarada ayaa bilaabatay arbacadii shalay ahayd, waxaana lagu wadaa inuu maanta hor yimaado aqalka oo uu is difaaco.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker