Puntland oo ku eedeysay dowladda Federaalka inay ku lug leedahay qalalaasaha gobolka Sanaag ka taagan

Dowlad goboleedka Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay ku dhaqaale ku bixinayso sidii qalaalase degenaansho la’aan ah looga abuuri lahaa degaanadeeda gaar ahaan gobolka Sanaag.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Lugatoor ayaa sheegay in ay ogyihiin in dowladda Federaalka ay shakhsiyaad dhaqaale kusoo siisay si ay fowdo uga sameeyaan gobolka Sanaag, isagoo sheegay in hay’adaha amniga ay u fasaxeen inay tallaabo ka qaadaan cid kaste oo ka shaqeynaysa qalalaase.

“Waad arkayseen nin waalanoo lasoo gamayoo Badhan iyo Sanaag baryahaan marmarayay. Cid walba oo amniga ka shaqeysa waxaan faraynaa in aan madaxda lalasoo xiriirin ee tallabo laga qaado,” ayuu yiri Lugatoor.

Madaxweyne ku xigeenka Punland ayaa sheegay dowladda Federaalka inay doonayso in dhammaan dowlad goboleedyada laga dhex abuuro qalalaase, isagoo sheegay in ujeeddadu tahay in dowladda Federaalku soo faragaliso arrimahooda gudaha.

Wuxuu usoo jeediyay dowlad goboleedyada inay ka feejignaadaan kuna adkaystaan ku dhaqanka dastuurka  lagu heshiiyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker