Israel ayaa sheegtay in duqeyn ay ku dishay Yaxye Sinwar

Miltieriga Israel ayaa sheegay in duqeyn cirka ah oo ka dhacday Gaza ay suuragal tahay in ay ku dileen hoggaamiyaha Xamaas, Yaxya Sinwar.

Weerarka ayaa la sheegay in lagu dilay dad ay ku tilmaameen argagixiso iyadoo mid ka mid ah loo maleynayo hoggaamiyaha xamaas.

Hadalka Israel ayaa sidoo kale lagu sheegay in weli aan la cadeyn karin dadka saxda ah ee ay weerarka ku dileen.

Hoggaamiyaha Xamaas ayaa la sheegay in uu ku dhuunto shabakadda gododka Xamaas iyadoo la haystayaasha ay ku hareereysan yihiin si taasi ay uga weeciso weerarada Israel.

Yaxya Sinwar waxaa la sheegaa in uu ahaa maskaxdii ka dambeysya weerarkii 7-dii oktoobar ee koonfurta Israel.

Dhinaca kale, wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in tobaneyo, qaarkood ay carruur yihiin lagu dilay duqeynta Israel ay ku qaaday iskuul ku yaal agagaarka Jabalia ee waqooyiga Gaza.

Dugsiga hoose ee Abu Xuseyn ayaa la sheegay in ay deganaayeen barakacayaal. Milteriga Israel waxay sheegeen in ay fuliyeen wax ay ugu yeereen weerar bartilmaameedsan oo ay ku qaadeen kulan ay lahaayeen hoggaamiyayaasha talisyada Xamaas iyo Islamig Jihad.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker