Golaha Ammaanka oo kulan ka yeeshay xaaladda cakiran ee Gaza

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa xalay kulan degdeg ah ka yeeshay xaaladda bani’aadantinimo ee ka sii dareysa ee ka jirta Marinka Gaza.

Kulankan ayaa ahaa mid ay codsatay Dowladda Algeria oo ay wehlinayeen Faransiiska iyo Ingiriiska, si looga arrinsado isku dayada ay Israel uga sii dareyso dhibaatooyinka ay la nool yihiin dadka rayidka ah, waxna looga qabto.

Kusimaha Madaxa Gargaarka Bani’aadantinimada ee Qaramada Midoobey, Joyce Msuya ayaa golaha u sheegtay in Israel ay gebi ahaanba joojisay gargaarkii naf badbaadinta ee la gaynayay waqooyiga Marinka Gaza.

Haweeneydan ayaa sheegtay in Israel ay dib u bilowday ololaheeda militari ee waqooyiga Marinka Gaza, iyadoo khatar gelinaysa nolosha shacabka Falastiiniyiinta ee halkaasi ku nool.

Joyce Msuya ayaa sheegtay in xanibaadda guud ee ay Israel ku soo rogtay waqooyiga Marinka Gaza ay natiijadeedu noqotay in raashiin iyo biyo la’aan ay soo food saarto 400,000 oo Falastiiniyiin ah oo ku nool dhulkaasi.

Safiirka Faransiiska ee Qaramada Midoobey, Nicolas de Riviere oo ka hadlayay kulankaasi ayaa Israel ugu yeeray inay si degdeg ah u joojiso duulaankeeda Marinka Gaza.

Danjiraha Falastiin ee Qaramada Midoobey, Riyad Mansour ayaa sheegay inuusan jirin sharci aysan jebin Israel.

Danjiraha oo cambaareeyay ficilada Israel ayaa ku tilmaamay xadgudub nidaamsan oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah.

Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobey, haweeneyda lagu magacaabo Linda Thomas-Greenfield ayaa Israel ugu yeertay inay si degdeg ah wax uga qabato xaaladad bani’aadantinimo ee Gaza.

Linda Thomas-Greenfield ayaa sheegtay inaanan la aqbali karin in raashiinka loo adeegsado sida hub oo kale, iyadoo dhinaca kalena ku baaqday in xabad joojin bani’aadantinimo laga sameeyo Marinka Gaza.

“Waa waajib in xabad joojin bani’aadantinimo laga sameeyo guud ahaan Gaza, si halkaasi loo gaarsiiyo tallaalka iyo gargaarka kale ee bani’aadantinimo.” Ayay tiri Linda Thomas-Greenfield.

Linda Thomas-Greenfield waxay sheegtay inay eegi doonaan qaabka ay Israel wax uga qabato masiibada bani’aadantinimo ee Gaza.

Maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa mar sii horreysay Israel ka dalbaday inay joojiso xanibaadda ay ku hayso gargaarka, haddii kalena uu Mareykanku ka joojin doono qayb ka mid ah gargaarkii militari ee uu siinayay.

Kulanka gaarka ah ee Golaha Ammaanka ayaa Israel loogu jeediyay inay si dhakhsa ah wax uga qabato walaaca caalamiga ah ee ka dhashay xaaladda laga deyrinayo ee ka jirta Gaza.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker