Wasarada Arimaha Gudaha oo Soo Saartay Awaamir

KU: DHAMAAN GUDOOMIYAYAASHA GOBOLLADA
& DEGMOOYINKA DALKA JSL =XARUMAHOODA=
KU: TALIYAHA CIIDANKA BOOLIISKA JSL =HARGEYSA=
OG:- AGAASIMAHA WAAXDA DHISMAHA NABADA
MADAX DHAQAMEEDKA IYO SIYAASADA W.A.G =XARUNTA=
OG: AGAASIMAHA GUUD EE W. ARRIMAHA GUDAHA =XARUNTA=
OG: AGAASIMAHA GUUD EE AMNIGA EE W.ARRIMHA GUDAHA =XARUNTA=
OG:- WASIIRKU-XIGEENKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA
EE ARRIMAHA AMNIGA =XARUNTA=
OG: MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA SOOMAALILAND

UJEEDDO:- JOOJIN CALEEMO SAAR.

Iyada oo aan Tixgelinayno u diyaargarowga Hawlaha Doorashooyinka ee ka socda Dalka, waxaa ay Wasaaradda Arrimaha Guduhu joojisay Caleemo Saarka Suldaanada, Chief-Caaqilada & Cuqaasha ilaa inta Doorashooyinku dhamaanayaan.

Sidaas darteed, Dhamaan Gudoomiyayaasha Gobollada & Degmooyinka Dalka JSL iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska JSL waxaa aan farayaa in la Joojiyay Caleema-Saarka Suldaanada, Chief-Caaqilada iyo Cuqaasha, cidii ku dhaqmi weydana waa in Talaabo Sharciga waafaqsan laga qaado, laga bilaabo Taariikhda warqaddan.

ALLAA MAHAD LEH

MAXAMAD KAAHIN AXMED
WASIIRKA WASAARDDA ARRIMAHA GUDAHA JSL.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker