Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Qaabiley Safiirka Dalka Sweden.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Safiirka Dalka Sweden Amb. Joachim Waern.

Waxa ay labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Sweden, sidoo kale waxa lagu lafo-guray kulanka taageerada Dawladda Sweden ee mashaariicda dhinacyada horumarinta bulshada.

Sidoo kale, waxa kulanka lagu gorfeeyey arrimaha doorashooyinka Somaliland ee kaabiga saaran, nabadgelyada iyo amniga mandaqadda Gobolka Geeska Afrika, waxa aanay Jamhuuriyadda Somaliland u caddaysay safiirka in dalkan iyo dadkan ay ka go’an tahay inay beesha Caalamka u muujiyaan waxa ay qaran ahaan ka mudan yihiin oo ah inay ka mid noqdaan dalalka la aqoonsan yahay, marba marka ka danbaysana ay buuxinayaan shuruudaha qarannimo.

Madaxweynaha Qaranka Somaliland waxa kulanka ku wehelinayey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Marwo Rooda Jaamac Cilmi.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker