Israa’iil oo garaacday deegaan ay u badanyihiin Masiixiyiin oo ku yaalla Lubnaan iyo khasaare dhimasho oo ka dhashay

Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhintay sideed kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeyn naadir ah oo ay diyaaradaha Israa’iil ka geysteen waqooyiga Lubnaan, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan.

Duqeynta ayaa lagu garaacay dhismo ay dad deggan yihiin oo ku yaala Aitou, oo ah tuulo ay ku badan yihiin masiixiyiin, kana fog goobaha ay ciidamada Israa’iil ka fuliyeen kumannaan weerar oo lala beegsaday kooxda Xisbullah.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in qoys dhawaan ka barakacay dagaalka ay ku noolaayeen halkaasi.

Milatariga Israa’iil ayaan si degdeg ah uga hadlin wararkaasi. Laakiin waxay ku soo beegantay iyadoo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu wacad ku maray “inuu sii wadi doono duqeymaha uu ku hayo Xisbullah naxariis la’aan meel kasta oo Lubnaan ah”.

Waxa uu hadalkan ka sheegay mar uu booqasho ku tagay Saldhig Milliteri oo ku yaalla Waqooyiga Israa’iil, halkaas oo Diyaarad Drone ah oo ay Kooxda taageerto Iiraan ku dishay 4 Askari oo Israa’iili ah, tiro kalena ay ku dhaawacmeen Habeenkii Axadda.

Milatariga ayaa sheegay in ay baarayaan sida ay diyaarada aan duuliyaha lahayn ay uga baxsatay nidaamka difaaca hawada ee casriga ah, ayna ku garaacday xarunta tababarka Guutada Golani oo ku dhow magaalada Binyamina.

Waxay ahayd mid ka mid ah weerarradii ugu dhimashada badnaa ee Xisbullah ay ku qaaddo Israa’iil in ka badan hal sano oo dagaal xudduud ah uu socday kaas oo ka dhashay dagaalka Gaza.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker