Mudaaharaad rabshado wata oo ka dhacay Magaalada Tel Aviv

Shacabka Israel qaarkood ayaa xalay Magaalada Tel Aviv ka dhigay mudahaaraad ay kaga soo horjeedaan colaadda Gaza iyo in Israeliyiinta lagu haysto Marinka Gaza dib loogu soo celiyo guryahooda.

Dibadbaxayaasha ayaa xiray Waddada Ayalon ee bartamaha Tel Aviv, taasoo ka mid ah waddooyinka halbowlaha u ah isu socodka magaalada.

Dibadbaxayaasha ayaa gubay taayaro, iyagoona xanibay isu socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada, waxayna keentay inay isku dhacaan Ciidamada Booliska.

Ciidamada Booliska ayaa la arkayay iyagoo xoog u adeegsanaya dibadbaxayaasha, si ay u kala eryaan.

Wararka ayaa sheegaya in dibadbaxayashu ay dhowr saacadood xanibeen isu socodka magaalada ugu weyn ee Israel.

Qoysaska, ehelada iyo saaxiibada la haysteyaasha oo ka carreysan inaanan codkooda la dhageysan ayaa Sabti walba dhigga mudaaharaad ay ku dalbanayaan in laga shaqeeyo sii deynta dadkaasi.

Dadkan ayaa waxaa mararka qaarkood dibadbaxyada kala qayb qaata Israeliyiinta kale ee diidan dagaalka uu dalku ku jiro iyo in la joojiyo halista la gelinayo nolosha la haysteyaasha.

Dadkii ka qayb qaatay mudaaharaadkii xalay waxaa ka mid ah Einav Zangauker, oo wiilkeeda Matan uu ka mid yahay Israeliyiintii lagu qafaashay weerarkii 7-dii bishii October ee sanadkii 2023.

“Waan ka xumahay in sanad uu dhammaaday, welina kuma aanu guulaysan in ay dowladdu aqbasho heshiiska lagu sii deynayo la haysteyaasha.” Ayay tiri Einav Zangauker, iyadoo hadal ka jeedineysay mudaaharaad ka dhacay agagaarka Taliska Militariga Israel ee Kirya.

Dhanka kale Booliska Israel ayaa sheegay in ciidamadu ay soo xireen shan ka mid ah dibadbaxayaasha, kuwaa oo ay ku eedeeyeen inay xireen waddada weyn ee Ayalon, intii uu socday mudaaharaadka lagu dalbanayay in la soo sii daayo dadka lagu haysto Gaza.

Booliska ayaa war ay soo saareen ku sheegay in waddada la furay, ka dib markii ay ciidamada kala eryeen dibadbaxayaasha.

In ka badan 100 qof oo Israeliyiin ah ayaa lagu haystaa gudaha Marinka Gaza, kuwaa oo kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ay ku soo qafaasheen weerarkii October 7-deedii.

Israeliyiinta ka soo horjeedo halista ay la haysteyaasha ugu jiraan inay dhintaan ayaa Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ku cadaadinaya inay heshiis la gaarto Xamaas, si loo sameeyo maxaabiis is dhaafsi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker