Diyaaradaha dagaalka Israel oo garaacay xarunta ganacsiga ee koonfurta Lubnaan
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa xalay si ba’an u garaacay suuqa ganacsiga ee Magaalada Nabatieh ee dalka Lubnaan.
Wararka ayaa sheegaya in duqayntu ay burbur lixaad leh u gaysatay suuqan, oo ah xarun ganacsi oo taariikhi ah, sidoo kalena ah xarunta ganacsi ee koonfurta Lubnaan.
Goobjoogeyaasha ayaa sheegaya in dhammaan dukaamada iyo meheradaha kale ee suuqa ay u muuqdaan kuwo burburay.
Warbaahinta Lubnaan ayaa ku warantay in dadku ay ku kadsoomeen weerarkaasi, isla-markaan aan la garaneyn ujeedadii ka dambeysay in la beegsado.
Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Lubnaan ayaa sheegtay in shaqaalaheeda ay ku howlan yihiin samatabixinta, bal haddii ay jiraan cid uun ka badbaaday weerarka.
Hay’addu waxay weerarku ku sheegtay mid aad u weyn oo burbur baaxad leh gaystay.
“Dabka daran ayaa naga hor istaagaya inaan gaarno aagga oo dhan.” Ayay hay’addu ku sheegtay war ay soo saartay.
Muuqaalada laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya in xaalad laga argagaxo ay ka jirto suuqii ugu weynaa ee koonfurta dalka Lubnaan.
Marka aad eegto waxa goobta ka dhacay ayaa waxaa aad u yar dadka nolol ka badbaadi kara weerarkaasi.
Kooxaha samatabixinta ayaa la filayaa in ay saacadaha soo socdo war ka soo saaraan khasaaraha nafeed ee la diiwaangeliyay, si Wasaaradda Caafimaadka ay ugu xusto cusbooneysiinta daabacadda khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee dalka oo dhan.
Si kastaba ha-ahaatee Militariga Israel ayaan weli ka hadlin sababta keentay in suuqaasi uu bartilmaameed noqdo.
Israel ayaa mar kasta oo kaabeyaasha rayidka ay beegsato ay ku andacootaa in loogu adeegayay amaba ay ku sugnaayeen xubnaha Xisbullah.
In la beegsado suuqyada, goobaha ay dadku ku badan yihiin iyo kaabeyaasha kale ee dadweynaha ayaa ka dhigan dembi dagaal, marka loo fiiriyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.