Madaxweynihii Afrika ugu da’da weynaa oo shaki badani dul hoganayo

Ka dib markii uu ka qayb galay shirkii Shiinaha iyo Afrika ee Beijing horraantii Sebtembar, dadku aad ugama ay shakinin in uu shirkii loo dhamma ee Qaramada Midoobay ee New York ka dhacayey uu seegay..

Laakiin waxaa xaalku isbeddelay markii shirkii toddobaadkan ee dalalka Faransiiska ku hadla (La Francophonie) ee Viller Cotterêts, waqooyiga Paris, laga dhex arki waayey taas oo ka dhigan in aan lagu arag meel fagaare ah muddo bil ah.

Safiirka Cameroon ee Faransiiska ayaa se sheegay in madaxweynaha xaaladdisu fiican tahay, oo shaqadiisa wato.

Arrintan ayaana gaadhay heer Afhayenku dawladdu soo saro warsaxaafdeed uu arrinta la isla dhex marayo ku beeninayo.

Marka laga tago, xanta dul hoganaysa, waa madaxa ugu da’da weyn Afrika iyo kan labaad ee ugu muddada dheer, oo uu si dirqi ah kaga sarreeyo rikoorkaas madaxweyne Teodoro Obiang Nguema e dalka ay deriska yihiin Equatorial Guinea.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker