Soomaaliya oo been abuur ku tilmaamtay in Masar ay dhawaan ciidamo keenayso dalkeeda

Dowladda Soomaaliya ayaa hoos u dhigtay ahmiyadda uu leeyahay heshiiska cusub ee dhanka amniga ee ay la saxiixdeen Masar, iyadoo ku tilmaamtay mid la mid ah taageerada milateri ee saaxiibada caalamka kala duwan ay u fidiyaan Soomaaliya, sida Mareykanka, Turkiga, Midowga Yurub iyo dalalka Khaliijka.

La taliyaha amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Sheikh Cali ayaa sidoo kale meesha ka saaray wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in Masar dhawaan ay ciidamo geyn karto Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay been abuur.

Si kastaba ha ahaatee, Xuseen Sheikh Cali ayaa ka dhawaajiyay in ciidamada Masar laga yaabo inay ka qaybgalaan howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee soo socda, isagoo ku nuux-nuuxsaday in go’aankan uu yahay mid u yaalla oo keliya dowladda Soomaaliya.

Bishii Agoosto, wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa Soomaaliya ku eedaysay in ay gacan saar la leedahay dhinacyo dibadda ah si ay xasilooni darro uga abuurto gobolka. Wasiirkii hore arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atske-Selassie ayaa dhawaan ka dhawaajiyay in ay ka walaacsan yihiin in saanadaha shisheeye ee la keeno Soomaaliya ay gacanta u galaan argagixisada.

Masar ayaa u muuqata mid ka faa’iideysaneysa isbaheysiga cusub ee ay la leedahay Soomaaliya si ay cadaadis ugu saarto Itoobiya. Muranka GERD oo soo jiitamayay sanado badan, ayaa Itoobiya sii waday buuxinta kaydka biyo-xidheenka inkasta oo Masar ay diidan tahay, iyadoo Qaahira u aragta mashruucan mid khatar ku ah ammaanka biyaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker