Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo kulan ballaadhan la qaatay Salaadiinta, Cuqaasha, Waxgaradka, Aqooyanka Iyo Siyaasiyiinta Beelaha Habar-Cafaan.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan la yeeshay Salaadiinta, Cuqaasha, Waxgaradka, Aqoonyahanka Iyo Siyaasiyiinta Beelaha Habar-Cafaan, Kulankan oo daba socday kulamo hore oo ay Madaxwaynaha Qaranka u wada yeesheen beelaha habar-cafaan ayaa ku soo dhamaadey guul iyo is fahan buuxa.

Waxaanay Beelaha habar-cafaan ay taageero buuxda ugu balan qaadeen Madaxwaynaha ahna murashaxa Madaxweyne ee xisbiga kulmiye iyo murashax ku xigeenkiisa iyo sidoo kale Xisbiga Kulmiyeba inay la barbar taagan yihiin taageero buuxda.

Madaxwaynaha waxaa kulanka ku wehelinayay Madaxda Beelaha habar-cafaan ugu jira xukuumadda oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Xidhidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL Mudane Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, Wasiir ku xigeenka Xannaanada Xoolaha, mudane Maxamed Ibrahim Maydhane iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo Qoyska mudane Axmed Xasan Aw Aadan. Xildhibaanada keliya ee golaha wakiiladda Somaliland ku metesha haweenka Somaliland, Marwo Xildhibaan Aamina Cilmi Fariid, Xildhibam Qaasim Suleex Madar golaha guurtida ka tirsam, Maayar ku xigeenka Boorama Mudane Axmed Cali xaddi, Gudoomiye-xigeenka hay’adda dib u habaynta shuruucda dalka Mudane Muhiyadiin Cabdi Xaaji, Gudoomiye xigenka gudida xaquuqul insaanka Qaranka Md Mustafe Cali Cismaan,

Guddoomiyaha guddida ololaha xisbiga kulmiye ee gobolka Awdal Cabdicasiis Diiriye Daahir iyo xubno ka mid ah gudida ololaha xisbiga kulmiye ee gobolka Awdal oo ay ka mid ahaayeen Mustafe Cabdi Axmed (Duuduu) iyo Subeer Cilmi Fariid.

waxa kale oo kulanka fadhiyey masuuliyiin hore xilal uga soo qabtay Jamhuuriyadda Somaliland ay ka mid ahaayeen Mudane Fahmi Cabdi Bidaar, Mudane Axmed Maxamuud Geelle Dacar, Prof. Maxamed Mixile Boqore kale oo uu ka mid yahay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker