Brasil oo mar kale fasaxday barta baraha bulshada ee X

Maxkamadda Sare ee Brazil ayaa sheegtay inay ka qaaday xannibaaddii saarnayd barta warbaahinta bulshada ee X, oo hore loogu yaqaanay Twitter.

Go’aankan, Garsoore Alexandre de Moraes ayaa sheegay inuu ogolaaday “dib u u soo noqosho dhaqso ah” ee howlihii X ee dalka kadib markii ay bixiyeen ganaaxyo culus isla markaana xannibeen akoonnadii lagu eedeeyay faafinta warar been abuur ah.

Sida ku cad bayaanka, goobta ayaa bixisay ganaaxyo gaadhaya 28 milyan reais ($5.1m; £3.8m) waxayna ogolaatay inay magacowdo wakiil maxalli ah, sida uu dhigeyo sharciga Brazil.

Moraes ayaa hakiyay shaqaynta barnaamijkaaas, oo uu leeyahay Elon Musk, kadib markii ay diideen in ay xidhaan akoonnada qaarkood oo dowladdu ku tilmaantay kuwa faafinaya warar been abuur ah oo ku saabsan doorashadii madaxtinimada Brazil ee 2022

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker