Dad ku dhintay doon ku Rogmatay Webiga Shabeelle iyo dad la’ayahay nolol iyo geeri

Hal qof ayaa ku dhintay, mid kalena waa la la’yahay kaddib markii dooni ay la socdeen 7 qof ay ku rogmatay meel u dhexeysa tuulooyinka Cumar Ismaan iyo Galleefo oo ka wada tirsan deegaannada Balcaano, bariga magaalada Jowhar. Shilkaasi naxdinta leh ayaa dhacay xilli dadka deegaanku ay ku safraayeen doonyo yar yar oo ganacsi maadaama waddooyinka dhulka ay ka go’een fatahaadaha wabiga Shabeelle.

Deegaannada Balcaano, oo ka kooban in ka badan 70 tuulo, ayaa muddo laba sano ah go’doon ugu jirta fatahaadaha uu sameeyay wabiga Shabeelle. Fatahaadahaasi ayaa si weyn u saameeyay dadka ku nool tuulooyinkaas, kuwaas oo ku qasban inay isugu kala gooshaan doonyo yar yar, iyagoo khatar badan la kulma mar kasta oo ay safrayaan.

Maxamed Cali Shuute, guddoomiyaha deegaannada Balcaano, oo la hadlay warbaahinta, ayaa xaqiijiyay in ilaa hadda doontii rogmatay aan la helin, islamarkaana ninkii waday doonta uu weli la’yahay. Sidoo kale, wuxuu sheegay in 5 qof oo ka mid ahaa rakaabka doonta la soo badbaadiyay, balse hal qof ayaa geeriyooday halka mid kalena aan weli la heyn.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in dadka ku dhintay iyo kuwa la la’yahay ay ka mid yihiin dadka deegaanka oo nolol maalmeedkooda ku tiirsan doonyahan yar yar ee ay ku safraan, maadaama ayan jirin qaab kale oo ay ugu kala gooshaan tuulooyinka go’doonsan. Wuxuu xusay in fatahaadda wabiga Shabeelle ay dhibaato joogto ah ku hayso dadka deegaannadaas, oo afartii sano ee ugu dambeeysay ay wajahayeen khasaarooyin ba’an oo ka dhashay fatahaadaha, kuwaas oo saameeyay noloshooda iyo ganacsigoodaba.

Fatahaadaha ayaa sabab u ah in dadku ay waayaan fursado ay isku kala gooshaan si nabad ah, taas oo halis ku sii kordhineysa nolosha bulshada ku dhaqan deegaannada Balcaano. Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay dowladda iyo hay’adaha samafalka in ay ka jawaabaan xaaladda adag ee ka jirta deegaanka, si wax looga qabto fatahaadaha iyo go’doominta sii daba dheeraatay oo saameyn ku yeelatay nolosha dadka deegaanka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker