Guddida Ololaha xisbiga KULMIYE ee gobolka M/Jeex oo kulan muhiim ah la yeeshay maamulka xisbiga u qaabilsan degmooyinka caasimadda
Guddida ololaha xisbiga KULMIYE u qaabilsan gobolka Maroodi-jeex, ayaa kulan lagu dardargelinayo hawlaha ololaha ee xisbiga la qaadatay maamulka degmooyinka kala duwan ee caasimadda Hargeysa u qaabilsan xisbiga.
Kulankan, ayey guddidu maamulka degmooyinka kaga dhegaysteen warbixinno iyo talooyin la xidhiidha la xidhiidha halka ay hawlaha ay xisbiga ugu xilsaaran yihiin u marayaan iyo heerka ay wacyigeliyeen taageerayaasha xisbiga ee degmooyinka caasimadda ku dhaqan.
Xubnaha guddida ayaa dhankooda u mahadnaqay maamulka degmooyinka caasimadda Hargeysa u qaabilsan xisbiga KULMIYE, waxana ay fareen inay dardargelin ku sameeyaan hawlaha ay gacanta ku hayaan, maaddaama ay doorashooyinkii kaabiga inagu soo hayaan.