Tirada dadka ka cararaya Lubnaan ee gaadhaya Suuriya oo aad u kordheysa

Ku dhawaad ​​375,000 oo qof ayaa gaaray dalka Suuriya, ka dib markii ay ka soo carareen duqaymaha ballaaran ee ay Israel ka waddo koonfurta dalka Lubnaan.

Dowladda Lubnaan ayaa ku dhawaaqday in wax ka yar laba toddobaad ay dadkan uga barakaceen guryahooda, ka dib markii Israel ay bilowday in si aan horey loo arag ay u duqayso dalkaasi.

Dowladda ayaa sheegtay in dadkan ay isugu jiraan shacab Lubnaaniyiin iyo kuwo kaloo Suuriyaan ah, isla-markaana ay ka gudbeen kontoroolka xuduudda labada dal ee Al Masnaa.

Qoysas fara-badan ayaa la arkay, iyagoo lug uga baxsanaya dalka, kuna gaaraya dalka deriska ee Suuriya.

Suuriyaanka hadda barakacaya waxay qayb ka yihiin 1.5 milyan oo qof oo horey magangelyo ugu soo raadsaday dalka Lubnaan, intii uu socday dagaalka sokeeye ee Suuriya.

Sabtidii, diyaaradaha dagaalka Israel ayaa duqayn ku dilay lix qof oo barakacayaal ah, halka in ka badan toban kalena ay dhaawaceen, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka Lubnaan ee NNA.

Sidoo kale dad kor u dhaafaya 1.2 milyan oo qof ayaa ku barakacay dalka gudihiisa, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Lubnaan.

Madaxa Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobey ee UNHCR, Filippo Grandi ayaa sheegay in hay’addiisa iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah ay dadka gargaarka ugu gayn doonaan xuduudda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi oo Sabtidii Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Dimishiq ayaa ballanqaaday in Tehran ay gurmad bani’aadantinimo gaarsiin doonto qoysaska la soo barakaciyay, si loo caawiyo buu yiri qaxootiga Lubnaan ee Suuriya ku sugan.

Si kastaba ha-ahaatee in ka badan 2,000 oo qof ayaa ku dhintay duqaymaha Israel, tan iyo markii ay xiisadda ka soo dhex cusboonaatay labada dal. Dadkan ayaa intooda badan lagu dilay duqaymaha ay Israel kordhisay dhowr iyo tobankii cisho ee ugu dambeysay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker