Ruushka oo muwaadiniintiisa ku wargeliyay in ay si degdeg ah uga baxaan Israel

Dowladda Ruushka ayaa dhammaan muwaadiniinteeda ku wargelisay in ay si degdeg ah uga baxaan Israel, ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

Maamulka Madaxweyne Vladimir Putin ayaa muwaadiniinta faray in ay si dhakhsa ah uga baxaan dalkaasi, inta aysan xirmin garoomada diyaaradaha.

Safiirka Ruushka ee Israel, Anatoly Viktorov ayaa sheegay in maalintii ay shaqeynayaan dhowr duulimaad oo caalami ah, ayna tahay in muwaadiniintooda ay hadda isaga baxaan Israel.

Safiirka ayaa sidoo kale muwaadiniinta Ruushka, kuwooda booqanaya Israel kula taliyay in ay ka baaqsadaan safarada Israel.

Moscow ayaa dhowr cisho ka hor soo saartay digniin tan oo kale ah, oo ay u jeedineyso muwaadiniinteeda ku sugan dalka Lubnaan.

Xiisadda Israel iyo Iran ayaa gaartay meeshii ugu sarreysay, ka dib weerarkii Iran ee gantaalada loo adeegsaday ee habeenkii Talaadada lagu qaaday Israel.

Israel ayaa ku hanjabeysa in Iran ay ka shalaayi doonto weerarkaasi, halka Iran ay iyana ku goodisay in ay ka bixin doonto jawaab aan horey loo arag.

Cid kasta waxay tixraaceysaa in hanjabaadaha labada dhinac ka soo yeeraya ay horseedi karaan dagaal aan waxba la isku reeban.

Maadaama Ruushku uu yahay dal ay xulafo dhow yihiin Iran ayaa waxaa la leeyahay wax badan ayuu ogyahay.

Dowladda Iran ayaa Khamiistii warqad u dirtay Mareykanka, iyadoo sii mareysa Qatar, waxayna sheegtay in Israel ay la kulmi doonto weerar ka xoogan kii Talaadadii, haddii ay soo weerarto dalkeeda.

Mareykanka qudhiisu markan waxa uu arkaa in Iran ay xarga goosan doonto, haddii Israel ay garaacdo xarumaheeda tamarta nukliyeerka iyo weliba saliidda.

Dagaalka ay u biro tumanaayan labada dhinac ayaa noqon kara kiisii ugu weynaa ee ka dhaca Bariga Dhexe.

Saamaynta dagaalka ayaan noqon doonin mid ku kooban dadka gobolka, oo cawaaqibkiisu waxaa laga dareemi doonnaa dhulka aadka uga durugsan, bacdamaa Bariga Dhexe uu qayb ka yahay dheelitirka ganacsiga caalamiga ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker