Raysal Wasaaraha Israel oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Macron

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa si kulul uga jawaabay baaqii shalay ka soo yeeray Madaxweyne Emmanuel Macron, ee ahaa in la joojiyo hubka la geeyo Israel.

Raysal Wasaaraha Israel ayaa sheegay in Madaxweynaha Faransiiska ay ceeb ku tahay in uu ku baaqo in la joojiyo hubka ay reer galbeedku siiyaan Israel.

“Sida Israel ay ula dagaalanto xoogaga ee Iran hoggaamiso, dhammaan wadamada ilbaxnimada leh waa inay si adag u garab istaagaan dhinaca Israel.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Raysal Wasaaraha ayaa yiri “Madaxweyne Macron iyo hoggaamiyeyaasha kale ee reer galbeedka ayaa hadda ku baaqaya in cunaqabateyn hubka lagu soo rogo Israel. Ceeb haku dhacdo iyaga.”

Netanyahu ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Israel laga joojiyo kaalmada militari, xilligan oo sida uu sheegay uu ku furan yahay dagaal dhinacyo badan leh.

“Iran ma waxay cunaqabateyn dhanka hubka ah ay saareysaa Xisbullah, Xuuthiyiinta, Xamaas iyo wakiiladeeda kale? Dabcan maya, kuwaas oo Iran ay u dhistay in lagu la dagaalamo Israel.” Ayuu yiri Netanyahu oo warkan ku sheegay muuqaal uu soo duubay.

Netanyahu oo carro laga dhadhansan karay ayaa yiri “Dhinacan argagixsada ayaa is garab taagan, balse dalal loo maleynayo inay ka soo horjeedaan argagixisada ayaa ku baaqaya in cunaqabateyn hubka ah la saaro Israel. Maxaa ceeb ah.”

Netanyahu ayaa sheegaya in Israel ay ku guuleysan doonto dagaalka, xitaa haddii aysan wax gacan ah ka helin reer galbeedka.

“Laakiin ceebtoodu waxay sii socon doontaa muddo dheer, ka dib marka dagaalka lagu guuleysto. Waan hubaa Israel waxay dagaalami doontaa illaa dagaalka aan ku guulaysano, annaga aawadeen iyo nabadda & amniga adduunka aawadood.” Ayuu yiri Netanyahu.

Madaxweyne Macron ayaa Sabtidii sheegay inaanan la dhageysan baaqoodii ahaa in la joojiyo colaadda Gaza. Madaxweynaha ayaa xusay in colaadda ay horseedeyso naceyb, isla-markaana uu ammaanka Israel ku xiran yahay in la joojiyo dagaalka.

Xafiiska Macron oo markii dambe ka jawaabay dhalleeceynta kaga timid Netanyahu ayaa sheegay in Faransiisku uu yahay saaxiibka joogtada ah ee Israel, balse falcelinta Netanyahu ay ahayd mid xad dhaaf ah, oo saaxiibtinimada labada dal ka dhigeysa mid kala soocan amaba kala go’an.

Netanyahu ayaa toddobaadkii hore iska diiday baaq nabadeed oo uga yimid xulafada Israel ee Mareykanka iyo Faransiiska, oo ku saabsaneyd in la sameeyo 21 cisho oo xabad joojin ah oo u dhaxeysa iyaga iyo Lubnaan, si xiisadda labada dal loogu dhameeyo miiska wada hadalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker