Mudaaharaadyo looga soo horjeedo colaadda Bariga Dhexe oo ka dhacay dunida

Kumanaan dibadbaxayaal ah ayaa Sabtidi shalay isugu soo baxay waddooyinka qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee caalamka, iyada oo mudaaharaadyaashu ay dalbadeen in la joojiyo dhiigga ku daadanaya Gaza iyo guud ahaan Bariga Dhexe.

Dibadbaxayadan oo sidoo kale la filayo in meelo kale oo dunida ah ay ka dhacaan Axadda maanta ah ayaa kusoo beegmaya, maalin ka hor sannadguurada koowaad ee dagaalka Gaza.

Ku dhawaad 40,000 oo mudaaharaadayaal taageersan Falastiin ayaa socod ku maray bartamaha London, halka kumanaan kale ay isugu soo baxeen magaalooyinka Paris, Roma, Manila, Cape Town iyo New York City.

Bannaanbaxyo ayaa sidoo kale lagu qabtay meel u dhow Aqalka Cad ee Washington, kuwaas oo looga soo horjeedo taageerada uu Mareykanka siiyo Israel kaas oo ay u adeegsaneyso ololaheeda militari ee Gaza iyo Lubnaan.
Dhanka kale, Israa’il ayaa Sabtidi iyo aroonimada hore ee Axadda maanta ah sii wadday duqeymaha cirka ah ee ay ka waddo Lubnan.

Goob-joogayaal ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, in duqeymo waaweyn oo xiriir ah ay ka dhaceen duleedka koonfureed ee Beirut xalay iyo shalay galab.

Duqeymahan ayay Isra’il ka fulineysay Lubnan saddexdi todobaad ee lasoo dhaafay, waxana ay ku dishay boqollaal qof oo isugu jira dad rayid ah iyo xubno ka tirsan Xisbullah oo uu ku jiro hogaamiyihi Xizbullah, Sayyed Xasan Nasrallah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker