Shirkii ka socdey Muqdisho oo qarka u saaran in uu burburo

Shir gaar ah oo habeenkii xalay dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa la soo sheegay inuu ku dhammaaday natiijo la’aan. Shirka ayaa xoogga lagu saaray arrimaha doorashooyinka, kuwaas oo ay isku mari waayeen dhinacyadu.

Wararka laga helayo kulanka ayaa tilmaamaya in Jubbaland ay doonayso inay si gaar ah u qabato doorashadeeda, halka dowladda Federaalka iyo inta badan dowlad-goboleedyada kale ay ku mideysan yihiin in doorasho toos ah loo galo oo wadajir ah. Jubbaland ayaa dhinaceeda ku adkeysanaysa in ay ku dhaqaaqdo doorasho u gaar ah, taas oo ka duwan qorshaha doorashada guud ee ay dowladda dhexe hormuudka ka tahay.

In kasta oo aan si rasmi ah loo fasakhin shirka guud ee Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC), haddana waxaa cad in is-mari-waaga ku saabsan qodobada doorashooyinka uu caqabad ku yahay in xal waara laga gaaro wada-hadallada socda. Dowladda Federaalka ayaa la sheegaya inay dadaal xooggan ku bixinayso sidii loo qancin lahaa Axmed Madoobe iyo Jubbaland, si loo mideeyo mowqifyada ku aaddan qaabka doorashooyinka.

Wada-hadallada ayaa weli socda, iyadoo madaxtooyada Soomaaliya ay doonayso in shirku uu kusoo dhammaado isfahan buuxa oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyin hufan oo loo dhan yahay. Dadaalladaasi ayaa lagu wadaa in ay sii socdaan si loo gaaro heshiis laga wada qanco.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker