Sida Iran looga dabbaal-degay kadib weerarkooda Israa’iil

Kadib weerarka Iiraan ee Israa’iil Qiimaha saliidda ayaa sare u kacay, taasoo dhalisay cabsi laga qabo in colaadda Bariga Dhexe ay sii ballaarato oo saameyso sahayda saliidda dunida

Dabaaldegyo ayaa ka qarxay waddooyinka Texraan kadib duqeyntii gantaalaha ee Iiraan ku qaadday Israa’iil.

Dadka ayaa isugu soo baxay bannaanka safaaradda Ingiriiska ee Texraan, taas oo ah isla goobtii lagu qabtay dabaaldaga bishii April markii ay Iiraan weerartay Israa’iil.

Dadka badan ee isu soo baxay ayaa haystay calanka Iiraan iyo Xisbullah, iyaga oo sidoo kale muujinayay sawirka hoggaamiyihii hore ee Xisbullah oo Jimcihii lagu dilay duqeyn cirka ah oo Israa’iil ka fulisay Lubnaan.

.
.
.
.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker