Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadlay Dilkii Loo Geystay dilkii Gudoomiyihii Komishanka Gobolka Sool
Faah faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo xalay mas’uul reer Somaliland ahaa loogu geystay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Wararka ayaa sheegaya in dilka loo geystay guddoomiyihii doorashooyinka Somaliland ee gobolka Sool, Cabdullaahi Laba-Go’le, kaas oo ay toogasho ku dileen kooxo hubeysan.