Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xaalad caafimaad loo dhigey cusbitaal ku yaalla dalka Faransiiska.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xaalad caafimaad loo dhigey cusbitaal ku yaalla dalka Faransiiska. Madaxweynaha oo isku diyaarinayay in uu magaalada New-York ee dalka Maraykanka kaga qayb-galo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa xanuunsaday, iyadoo la dhigey cusbitaal ku yaalla Faransiiska.

Ilo-Wareedyo kala duwan oo ku sugan gudaha dalka Jabuuti oo aan la xidhiidhnay ayaa xaqiijiyay Xanuunka Madaxweyne Geelle, iyadoo shacabka dalkaasi uu warkani si weyn ugu dhex faafay.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dawladda Jabuuti kaasi oo ku saabsan xaaladda madaxweynaha balse wararka qaar ayaa sheegaya in xaalkiisu culus yahay.

Wixii warar ah ee kasoo kordha xaaladda madaxweyne Geelle kala soco halkan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker