Komishanka Doorashooyinka iyo Komiishanka Xuuqal iinsaanka oo kulan yeeshay

Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa kulan shir la yeeshay Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka JSL oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Komishanka Md. Maxamed Baaruud Cali. KDQ ayaa uga warbixiyey halka ay marayaan hawlaha diyaar-garowga doorashooyinka Somaliland, oo haatan maraya heer gebogebo ah.
Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka JSL ayaa KDQ ku bogaadiyey dadaalka ay ku bixinayaan diyaar-garowga doorashooyinka. Komishanka Xuquuqal
Insaanka Qaranka JSL ayaa iyagu na dhankooda waxay KDQ tallooyin ka siiyeen arimaha u baahan tixgalinta gaarka ah sida taageerada iyo wacyigalinta dadka nugul iyo dadka naafada ah xilliyada doorashada iyo codbixinta ba.
Labada Komishan waxay isla qaateen innay ka wada shaqeeyaan shaqooyinka middeeya ee ay ugu horeeyaan hawlaha bulshada baahiyaha gaarka ah leh ee xillaga doorashada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker