Xisbullah oo xaqiijisay geerida hugaamiyahoodii

Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan geerida hugaamiyihii Xisbullah Xasan Nasrullah, waxaana war ay barta Telegram ku soo daabaceen ururku ay ku xaqiijiyeen in hugaamiyahoodii uu geeriyooday.

“Xurmadle, Madaxii Iska caabinta iyo hugaamiyihii dhowrsanaa, waa uu geeriyooday waxa uuna la joogaa rabigiis,” ayaa lagu yiri warka.

Kooxda ayaa u muuqatay in ay xaqiijineyso in uu ku geeriyooday duqayn ka dhacday Beirut, iyaga oo sheegay in dhimashadiisu ay timid “kadib hawlgal qatartiisa leh oo ay Sahyuuniyiintu ku qaadeen koonfurta magaalada”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker