Faahfaahino kasoo baxaya dagaal Xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kusoo baxaya weerar qaraxyo ku bilaawday oo Xalay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ku qaaday degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadka ku sugan degmadaas ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka uu ahaa mid ku bilaawday laba qarax oo jugtooda mar qura huradada ka toosiyay dadka ku nool degmada Kaxda, waxaana xigay jugta labada qarax dagaal toos ah oo dhexmaray Al-shabaab iyo ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka uu ka dhacay bar koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada Booliska Soomaaliya oo lagu magacaabo Buurta Cali Janaale.

Wali si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay weerarka Xalay ka dhacay degmada Kaxda, maadama ay aheyd xili habeen ah, mana jirto war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Fedaraalka oo ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarka.

Ugu dambeyntii weerarkaan Xalay Al-Shabaab ka geysatay gudaha degmada Kaxda ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dhowr jeer oo hore sidaan oo kale weeraro qaraxyo ku bilowday uga geysatay kooxda saldhigyada ciidanka dowladda iyo xarumo kale oo ku yaala degmadaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker