Markab ay leeyihiin Ciidamada Mareykanka oo jug lagu gaarsiiyay Bariga Dhexe

Mid ka mid ah maraakiibta Ciidamada Badda Mareykanka ee ka hawlgala Bariga Dhexe ayay waxyeelo soo gaartay, iyadoo Saraakiisha Mareykankana ay sheegeen in la baarayo dhacdadaasi.

Markabka USNS Big Horn ayaa la sheegay in la waxyeeleeyay, inkasta oo aan wax faah faahin ah laga bixin goobta lagu weeraray iyo weliba cidda weerartay, marka laga soo tago in jugtaasi lagu gaarsiiyay Bariga Dhexe.

Markabkan ayaa muddooyinkii ugu dambeysay ku sugnaa Bariga Dhexe, iyada oo ay cirka isku shareertay xiisadda ka dhalatay duulaanka Israel ee Marinka Gaza iyo hadda oo Israel ay duqaymo xoogan ka gaysaneyso dalka Lubnaan.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Badda Mareykanka oo magaciisa aan la sheegin ayaa CNN u sheegay in la baarayo dhacdada.

Sarkaalkan ayaa ka gaabsaday inuu sharaxaad ka bixiyo halka uu weerarku ka dhacay, isagoona xusay in dhammaan shaqaalihii markabka la socday ay badqabaan.

Sarkaal kale oo Mareykan ah oo magaciisa la qariyay, sababtoo ah wax fasax ah uma haysto inuu ka hadlo dhacdada ayaa Wakaaladda Wararka AP u xaqiijiyay in weerarka uu jiro, laakiin ma sheegin goobta iyo goorta uu weerarku dhacay.

Wararka ayaa sheegaya in markabka la weeraray, xilli uu shidaal siiyay markabka diyaaradaha dagaalka dushiisa ka haadaan ee USS Abraham Lincoln, oo gobolka loo soo diray bartamihii bishii August.

Markabka dagaal ee USS Abraham Lincoln ayaa isagu ku shaqeeya tamarta korontada ee nukliyeerka, balse diyaaradaha dagaalka ee dushiisa saaran ayaa ah kuwo isticmaala shidaalka.

USS Abraham Lincoln ayaa dhowrkii toddobaad ee ugu dambeysay ku sugnaa Gacanka Cumaan, si farriin loogu diro Iran oo si weyn uga carootay dilkii Israel ay Hoggaamiyihii Ururka Xamaas, Ismail Haniyeh ugu gaysatay Caasimadda Tehran. Iran ayaa wacad ku martay in ay ka aargudan fara-gelinta ay Israel ku soo sameysay madaxbannaanideeda, waana tan keentay in markabkan la keeno gobolka.

Xuuthiyiinta Yemen ayaa dhowr jeer oo hore maraakiibta dagaalka ee Mareykanka ku weeraray Badda Cas, inkastoo ay Washington sheegtay in ay ka hortagtay weeraradaasi.

Weerarkan ayaa imanaya maalin ka dib, markii Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ay sheegtay in ay ciidan hor leh u dirayaan Bariga Dhexe, si loo difaaco Israel oo weerar ku hayso Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan.

Bulshada gobolka, Mareykanka iyo kuwa caalamka ayaa ka carreysan taageerada indha la’aanta Mareykanka ee Israel.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker