Iran oo ka hadashay duqeymaha Israa’iil ka waddo Lubnaan
Madaxweynaha Iran Mascuud Pezeshkian ayaa sheegay in Israa’iil ay raadinayso inay abuurto “isku dhac ballaaran” wuxuuna si kulul u9 cambaareeyay duqaymaha ay Israa’iil ku hayso Lubnaan.
“Reer Galbeedku waxay Iran ku boorinayeen inaysan ka jawaabin si aysan khatar u gelin dadaallada xabbad joojinta ee Qasa,” ayuu raaciyay hadalkiisa Pezeshkian. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri:”Waxay noo sheegeen inaan qarka u saarnay nabad, laga yaabee toddobaad ama wax ka badan. Laakiin waligeen halkaas ma aanaan gaarin,”.
Dhinaca kale, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa uga digay Israa’iil “cawaaqib xumada” ka dhalan karta weerarka ay ku qaaday Lubnaan.