Boliiska Ceerigaabo Oo Xidhay Weriyihii Telefishanka Badda-cas Ee Magaalada Ceerigaabo

Hargeysa(OWN) Abbaara duhurnimadii maanta ayaa boliisku qabteen islamarkaasna xidheen Weriyaha Telefishanka Badda-cas ugasoo warrama magaalada Ceerigaabo Siciid Muuse Faarax (Qurbaawi).

 

Weriyahan ayaa sida lasheegay xilliga boliisku qabteen wuxu gudanayey shaqadiisii hawl-maalmeedka ahayd isagoo war ka duuubayey dad masaakiin ah oo ka cabanayey nidaamka loo qaybiyey raashin mucaawimo ah oo xilligaas lagu qaybinayey goobtaas. Waxana xadhigga weriyahan amray Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) oo kusugnaa goobta lagu qaybinayey raashinkaas mucaawimada ah, waxana ilaa xilligan weryahaasi ku xidhan yahay Saldhigga dhexe boliiska ee magaalada Ceerigaabo, waxana boliisku weriyahan ka qaadeen kamaraddii uu ku shaqaynayey.

 

Dhinaca kalena muddooyinkan danbe waxa isasoo taraya cabashooyinka laxidhiidha cadaadis saxafiyiinta kaga imanaya badhasaabka gobolka Sanaag, waxayna u muuqataa inuu halkaas ka hirgalay xukunkii degdegga ahaa ee madaxweynaha Somaliland kusoo rogey gobolka Sanaag, balse golaha wakiilladu ay ansixin waayeen.

Oodweynenews.com/Hargeysa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker