Xildhibaan Maxamed Abiib Hooyadii oo loo diiday inaay Aragto Wiilkeeda

Xildhibaan Maxamed Abiib Hooyadii oo Hadashay ayaa Sheegtay in loo diiday in ay booqato Wiilkeeda xidhan muddo gaadhaysa 20 cisho oo uu xidhan yahay.
Hooyada oo wejigeeda laga dheehanayo murugada iyo welwelka ka muuqda ayaa sidoo kale sheegtay in weerar lagu qaaday Guriga Inanteeda Fadxiya Abiib Yuusuf oo Hargeysa ku yaala islamarkaana aanay ilaa hada garanayn sababta weerarkas ka danbeeysay.
Xildhibaanka Walashii Fadxiya Abiib Yuusuf ayaa iyaduna ku eedeysay Ciidamada RRU-da Somaliland inay Weerar argagax leh ku qaaden gurigeeda Hargeysa iyadoo ka soo maqan islamarkaana laga qaatay Basaboorada Soomaliya oo gurigeeda yaalay.
Fadxiya ayaa Madaxweynaha Somaliland waydiisay su’aal u dhiganayd;
“Sidee ayuu danbi ku noqday Basaboorka Soomaliya ee Hargeysa uu ku sameeyo Inaadeerkaa?”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker