Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wadahadlay xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaiya Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kulan looga hadlayay ciribtirka kooxda Al-shabaab la qaatay Taliyaha howlgalada gaarka ah ee ciidamada Mareykanka Colonel David Haskell.

Kulanka ayaa ahaa mid diirada lagu saaray qorshaha dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo waliba sidii looga xureyn lahaa kooxda goobaha ay wali kaga sugan yihiin gudaha dalka.

Labada dhinac ayaa kulanka iskula meel dhigay in la xoojiyo howlgalada lagula dagaalamayo Al-shabaab ee haatan ka socda inta badan gobolada dalka sidii loo soo afjari lahaa.

Taliye Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa dowlada Mareykanka u sheegay inay muhiim u yihiin qorshaha dagaalka lagula jiro Al-shabaab, isagoona ka mahadceliyay taageerada Mareykanka uu la garab taagan yahay Soomaaliya.

Dowlada Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ka taageera dhinaca howlgalada cirka ah ee ka dhanka kooxda Al-shabaab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker